Ajenda FuritaankaAayadaha Qur’aanka Kariimka



Dovnload 13.63 Kb.
Datum20.08.2016
Grootte13.63 Kb.


JamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya

BaarlamaankaFederaakaSoomaaliya

GolahaShacabka

Hadalqoraalkakalfadhiga 5-aad

Docomentiga.kal 5-aad/kul-4-aad 25/10/2014

straight connector 2

Kalfadhiga 5-aad

Kulankiisa 4-aad. Saac.Fur.11:20, Saac.Xir. O1:30gd.

Guntinta (Qourum) 141
Ajenda


  1. FuritaankaAayadaha Qur’aanka Kariimka

  2. Ansixinta Ajendaha

  3. Dhaarinta Xildbibaan

  1. Sii wadida dooda Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka

  2. Akhrinta warbixinta Xisaab xirka sanadka 2013

  3. Iyo wixii kale oo howl ah


Shir-Guddoomiyaha Guddoomiye Ku.XIgeenka 1-aad ee Golaha Mudne Jeylaani Nuur Iikar,
Waxaa shirka furay Guddoomiye ku.xigeenka 1-aad Mudane Jeylaani Nuur Iilar, waxaana lagu furay Aayadaha Qur’aanka kariimka uuna akhriyay Xil. Sheekh Shaacir,

Guddoomiyaha wuxuu soo jeediyay in la ansixiyo ajendaha Xildhibaanadana wey ansixiyeen.

Xil. Xiis Pount of Arder, wuxuu sheegay in go’aanda Xildhibaanda, Xasaanada Xildhibaanada ay hoos u dhacday.

Guddoomiyaha wuxuu u yeeray Xil. Sheekh Shaacir si u dhaariyo Xildhibaanka Xusub kadib, waa la dhaariyay.



  1. Muqtaarn Macalin Xasan oo badalay Marxuum Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer.

Kadib, Guddoomiyaha wuxuu Xogheynta u sheegay in ay soo tiriyaan Xildhibaanda, Xogheyntana waxay Guddoomiyaha usoo Gudbiyeen Xildhibaanada in ay yihiin 140 Xil.

Kadib, waxaa la gudagalay codeynta waxayna u dhacday sida tan: kadib waxaa la galay codayntii hindise sharciyeedka kaluumaysiga. Natiijadiina waxay ku dhamaatay sidan:

135 Xil. Wey golaatay

2 Xil. Wey diiday

3 Xil. Wey ka aamustay
Intaa kadib waxaa laguda galay sii wadida doodii Hanti-Dhoorka Guud.

Xil. Cusmaan Aadan Dhuuwow wuxuu sheegay qod. 2-aad madaxbanaanida xafiiska Hanti-dhoorka Guud ey qodobkaan fiiriyaan iyo Guddiga shaqada ku leh waa in ay dhuuxaan. Qod. 6-aad barista hantida Dowladda in la hagaajiyo ayay u baahan tahay iyo in la adkeeyo hantida guurtada iyo hantida ma guurtada in ay adkeeyaan,

Qod. 9-aad shuruudaha da’da wuxuu soo jeediyay in laga dhigo 40 Sano, kaaliyahana waxaa looga baahan yahay in uu ahaado qof waayo arag ah. Qod. 10-aad awooda xafiiska hanta-dhoorka Guud F3-aad in ay xadidan tahay in ay magacaabaan mise ay xilka qaadaan maha, tankale Hey’adha shisheeye ee jooga Dalka in lala xisaabtamo oo lagula xisaabtamo hantida.
JWb. H/Q


  • Hanti-dhowrka Guud, Mudane Nuur, wuxuu sheegay in sharcigaan uu cusub yahay oo hadda soo diyaariyay, xagga shaqaalaha waxaan soo marsiinay sharciga shaqaalaha-rayidka. Wuxuu kaloo sheegay. Inuu ka hadlay arin ku saabsan Amaanka waana arin ay ku sifeesan tahay Xildhibaanada, wuxuu kaloo sheegay in ay baarayaan hantida ma guurtada ah wuxuuna codsaday in sharcigaan ay Golaha ka doodaan oo ay si weyn u fiir fiiriyaan

  • Arinta da’da wuxuu sheegay inuu ku jiro 30-40 Sano. In Hnti-dhowrka Guud uu ku shaqeynaayo sharciga uuna jiro.

  1. Guddi goob shaqo

  2. Guddi agaasin

  • Wuxuu kaloo sheegay inuu heysto diinta Islaamka xaafidul-qur’aana uu ayahay, Hantida muuqatana wuxuu sheegay in ay diyaar ka tahay, xaga Gobolada bunt-land ay xafiis nooga furan tahay Beydhabo ay xafiis nooga furan tahay Kismaayo uu xafiis nooga furan yahay Beydhabo sidoo kale,waxaana ka helnaa warbixin

  • Hey’adaha wuxuu sheegay in ay diyaar ka tahay Hanti-dhowrka uusan shaqeyn Karin illaa laga ansixiyo sharcigaan

Su’aall

Xil. C/llaahi Coonka wuxuu sheegay inta uu shaqaale sameynayay in uu soo gudbiyo Qod. 24-aad Hanti-dhoorka ku shaqeeyay in uu dacwad ahaan u gudbinaayay Xeer-ilaaliyaha, wuxuuna u sheegay inuu dib ugu noqdo Qod. 24-aad iyo Qod. 25-aad.

Xil. Kulalihi, wuxuu weydiiyay in uu hati-dhoorka joogo 6 Bilood kabadan, wuxuuna weydiiyay waxa uu ka qabtay lacagaha Turkiga, Bangiga dhexe kuma dhacdo yaacuno?

-4 Pillyan ayaa Dowladda loogu deeqay lacagtaas xagee ku danbeysaa, Dugsiga Booliticniko waxaa la

wareegay INGO Turki ah waxaana lagu haayaa arday Soomaali waxaana laga qaadaa $1.200 Doolar. Wuxuu kaloo weydiiyay waxa uu ka qabtay arintaas.

Xil. Ali Nuur wuxuu weydiiyay in daraftiga ay hanta-dhoorka soo gudbiyeen ay kaligood soo sameeyeen iyo in Guddiga wax kala soo qabteyn, NGO yada oo magaca Umadda Soomaaliyeed lacagta kusoo qaado, in lala xisaabtamo waxna laga qabto.

Xil. Maxamed Rashiid wuxuu sheegay in warqadda Daraftiga kasoo baxday xafiiska Ra’iisul-wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda ayna qasabtahay in la waafajiyo sharciga. Wuxuu kaloo sheegay guryihii ay Dowladda leheyd aan fara lagu heynin hantida Soomaaliyeedna waa mid aad u weyn, Soomaaliya waa Gani waana lawada ogsoon yahay,

JWB,

Hanta-dhowraga Guud Nuur , wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay wada shaqeyn si hantida Qaranka loo ilaaliyo hantida qarankana waa hantida shacabka ma aha hantida Dowladda.

-shaqaalaha ajaanibta ah in Bisha Abril 2014 xalane ay joogeyn ajanabi tiradooda gaareysa 2.957 oo shaqaala ah, Kismaayo iyo meelo kalena waxaa jooga shaqaalo ajanabi oo gaaraaya 17.460, ruux ayna hayaan Baasabooradooda iyo howlaha ay hayaan, wuxuu kaloo sheegay in SKA ay xalene degan tahay kana shaqeysato, wax canshoor ah aan laga qaadin, wuxuu intaa uu ku daray in Wasiirka uu hishiis la galay Nekoloskey uu u ogolaaday in labaarikaro shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka joogo.

Wuxuu ka codsaday Xildhibaanada in ay sharcigaan ansixiyaan , wuxuu kaloo sheegay iney u baahan yihiin Miisaaniyad u gaar ah si loo siiyo xuquuqda hanta-dhoorayaasha wuxuu intaa ku daray cadaalad daro xagga aminiga ay qabaan.



Intaa kadib Guddoomiyaha wuxuu u mahad caliyay hanta dhoorka guud akhrintiisa koowaad ee hindhise sharciyeedka in uu sidaa nooga gudbay

Kalfadhiga 5-aad kulankiisa 4-aad uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku.1-aad ee Baarlamaanka Mudane jeylaani Nuur Iikar, wuxuu sheegay inuu xiran yahay saacadda markey eheyd 01:30gd.






De database wordt beschermd door het auteursrecht ©opleid.info 2017
stuur bericht

    Hoofdpagina